U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Tanzaaniya oo ku heshiiyay in la fududeeyo dal ku galka labada dal

Sheeko:War

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee Tanzania ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga maareynta arrimaha socdaalka.

Heshiiska waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Amniga Gudaha, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, halka dhinaca Tanzania uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Patrobas Paschal Katambi.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa madaxda hay’adaha socdaalka ee labada dal, Mudane Mustafa Duhulow iyo Marwo Dr. Anna P. Makakala.

Heshiiskan waxa uu xoojinayaa xiriirka diblomaasiyadeed, amni iyo ganacsi ee labada dal, isaga oo qayb ka ah dadaallada lagu hormarinayo iskaashiga dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in la hirgeliyo qodobbada heshiiska, kuwaas oo diiradda saaraya isu-socodka muwaadiniinta sita baasaboorrada diblomaasiga iyo kuwa shaqaalaha dowladda, kuwaas oo laga dhaafay dal-ku-galka (visa On Arrival ).

Sidoo kale, muwaadiniinta ku safaraya baasaboorrada caadiga ah ee labada dal ayaa 24 saacadood gudahood ku heli doona dal-ku-gal, si loo fududeeyo isu-socodka muwaadiniinta iyo ganacsatada.

Waxaa si gaar ah loogu mahadcelinayaa dadaalka iyo shaqada hagar la’aanta ah ee Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Amb. Ilyaas Cali Xasan, iyo dhammaan Howlwadeenadda safaaradda ee ka howlgala dalka Tanzania.