U bood dhigaalka

Magaalooyin ka mid ah Soomaaliya oo aan maanta laga Soomin

Sheeko:War

Magaalooyin ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya, sida Gaalkacyo iyo Guriceel, ayaan maanta laga soomin bisha Ramadan, kaddib markii aan halkaas laga xaqiijin aragtida bisha cusub.

Maamullada deegaanka iyo culimada diinta ee magaalooyinkan ayaa sheegay in aan la helin marag sugan oo muujinaya in bisha Ramadan la arkay, sidaas darteedna la go’aamiyay in la dhammaystiro 30-ka maalmood ee bisha Shacbaan.

Dadweynaha ku nool deegaannadan ayaa lagu wargeliyay in soomidda ay si rasmi ah u bilaaban doonto maalinta berri ah.

Inkasta oo ay jireen dad kooban oo raacay ku dhawaaqii laga soo saaray meelo kale oo dalka ah, haddana inta badan shacabka Gaalkacyo iyo Guriceel maanta way furnaayeen, waxaana si caadi ah u furnaa maqaayadaha iyo goobaha ganacsiga.