Dastuurka, Maamul-goboleedyada iyo Doorashada: Xuddunta is-mari waagii Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.
MUQDISHO: Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed xasaasi ah oo ay soo saareen maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka Febraayo 2026, waxay si rasmi ah ugu shaaciyeen inuu natiijo la’aan kusoo dhammaaday wadahadalkii ay kula jireen Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Goluhu wuxuu muujiyay inuu wadahadalka ku galay niyad-sami si dalka looga saaro xaaladaha adag ee ka dhashay abaaraha, kala qaybsanaanta, iyo culaysyada dhaqaale, isagoo diyaar u ahaa tanaasul kasta oo horseedaya xasilooni siyaasadeed iyo midnimo qaran.
Waxay xuseen in muddadii uu wadahadalku socday ay dowladda sii wadday wax-ka-beddelka dastuurka oo hal dhinac ah, iyadoo dhanka kale cadaadis, handadaad, iyo sumcad-dil lagu hayay xubnaha Golaha iyo xildhibaannada ka aragtida duwan dowladda, taas oo wiiqday kalsoonidii wadahadalka.
Xuddunta is-mari-waaga ee keentay fashilka shirka ayaa salka ku haysa kala aragti duwanaansho dhanka sharciga iyo doorashooyinka ah, iyadoo Goluhu ku adkaystay in Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee 2012 uu yahay asaaska sharciga ee dalka, wax ka beddelkiisuna uu u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay, halka dowladda ay taa beddelkeeda xoogga saartay qorshe ay awoodda ugu ururinayso xarunta dhexe.
Sidoo kale, Goluhu wuxuu soo bandhigay in doorashooyinka maamul-goboleedyada loo qabto si waafaqsan dastuurrada maamuladaas, halka dowladda ay doonayso inay doorashooyinkaas hoos geyso guddiga federaalka si la mid ah hannaankii lagu muransanaa ee ka dhacay gobolka Banaadir.
Waxaa intaas dheer in Goluhu dalbaday in la gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka iyo jadwalka doorashada Baarlamaanka Federaalka ka hor 14-ka Abriil si loo helo doorasho daahfuraan, balse dowladda ay soo jeedisay qorshe guddigu ku koobnaanayo talo-bixin aan lahayn awood go’aan gaaris ah.
Ugu dambayn, Golaha Mustaqbalku wuxuu caddeeyay inuusan marnaba oggolaan doonin in dalka iyo dadka Soomaaliyeed la kala diro ama doorashooyin lagu shubtay loo sharciyeeyo beddelka dastuurka.
Goluhu wuxuu ku dhowaaqay inuu diyaar u yahay wadahadal dhab ah oo horseeda in heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka ka hor inta uusan dhammaan muddoxileedka hay’adaha dastuuriga ah, iyadoo dowladda laga rabo inay joojiso tallaabooyinka hal dhinac ah ee lagu beddelayo dastuurka.