Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tallaabo diblomaasiyadeed oo miiskan saaran qaadday, iyadoo Mareykanka u soo bandhigtay in dib loo soo nooleeyo heshiis taariikhi ah oo dalkaas u ogolaanaya isticmaalka dekedaha iyo madaarrada Soomaaliya ujeeddooyin milatari.
Warkan oo ay baahisay wakaaladda Bloomberg, ayaa muujinayay loolan xooggan oo ka dhex aloosan Muqdisho iyo maamulka Somaliland, kaas oo salka ku haya cidda rasmiga ah ee ay tahay in dunidu u soo marto khayraadka iyo amniga Geeska Afrika.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar (Balcad), ayaa caddeeyey in Soomaaliya ay diyaar u tahay cusboonaysiinta heshiis soo jireen ah oo la saxiixay sannadkii 1980-kii, kaas oo ahaa marin sharci ah oo lagu xoojiyo iskaashiga labada dal.




From the comments