U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka oo eedaysay Golaha Mustaqbalka, sheegtayna in laga baxay ajendihii wadahadalka

Sheeko:War

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in tan iyo markii ay ku dhawaaqday gogosha wadatashiga qaran bishii Maarso 2025, ay dowladda waday wadatashiyo joogto ah oo ay la yeelanaysay dhammaan madaxdii hore, bulshada rayidka ah, aqoonyahanka, iyo siyaasiyiinta si looga wada hadlo dhismaha dowladnimo casri ah.

Dowladda waxay mar kale ku celisay in arrimaha masiiriga ah ee dalka lagu xalliyo wada-xaajood iyo is-afgarad ku dhisnaanaya dastuurka iyo danaha guud ee Jamhuuriyadda.

Iyadoo laga jawabayo baaqii ka soo baxay shirarkii qaar ka mid ah mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka, waxay dowladda fidisay gogol wada-xaajood dhab ah oo ka furmay Villa Soomaaliya 18 Febraayo 2026, iyadoo ujeeddadu ahayd in is-afgarad laga gaaro ajendayaal horay loogu heshiiyay.

​Ka hor inta aan la guda gelin wada-xaajoodyada, waxaa kulamo doceedyo lagu heshiiyay in xoogga la saaro saddex qodob oo kala ah: dhisidda guddi ka soo talo bixiya arrimaha doorashada federaalka, qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedyada, iyo in bisha Abriil 2026 la qabto kulanka labaad ee gogosha.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda ayaa nasiib-darro u aragta in maalintii koowaad ee wada-xaajoodka ay xubno ka mid ah Golaha Mustaqbalka si kedis ah u beddeleen ajendihii lagu heshiiyay, iyagoo ku soo daray qodobo cusub oo aan lahayn sal-dastuur iyo tixraac sharci.

Qodobadaas waxaa ka mid ahaa in Goluhu dalbaday talo toos ah oo ku saabsan hannaanka iyo maamulka doorashooyinka dowlad-goboleedyada, taas oo dowladda ay u aragto mid si cad uga hor imanaysa mabaadi’da dastuurka dalka.

​In kasta oo ay dowladda sheegtay inay muujisay dulqaad iyo dabacsanaan si loo ilaaliyo ruuxda wada-xaajoodka, waxay xustay in Golaha Mustaqbalka ay soo saareen bayaan baal-marsan habraacyadii iyo nuxurkii lagu heshiiyay, taas oo dhaawacday geeddi-socodka wadahadallada.

Dowladda Federaalku waxay mar kale ku celinaysaa inay albaabbadu u furan yihiin cid kasta oo diyaar u ah wada-hadal dhab ah, iyadoo dowladda ay ka go’an tahay hirgelinta hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka, kana turjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo midnimada qaranka.