U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay Xoojinta Iskaashiga Difaaca iyo Amniga Badda

Sheeko:War


Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Turkiga, Yaşar Güler, ayaa kulan rasmi ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Difaaca Qaranka Turkiga Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta rasmiga ah ee Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa lagu sheegay in kulanka uu ka dhacay xarunta wasaaradda, islamarkaana looga hadlay arrimo la xiriira iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga badda.

Kulankan ayaa qeyb ka ah xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo labada dhinac ay marar badan adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashiga istiraatiijiga ah, tababarrada ciidamada, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha iyo gaadiidka badda.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya, waxayna door muuqda ka qaadatay dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo taageerada dhinacyada amniga iyo horumarinta.