MILICSI: TOBANKII MAALMOOD EE NAXARIISTA EE BISHA RAMADAAN
Bisha Ramadaan waa bil Eebbe-Weyne innagu galladay oo ka soocan bilaha kale, waa bil wadata kheyr dhammaystiran iyo barako, bisha Ramadaan waa bil hanuunkeeda la gaar ah. Sidoo kale, waa bishii uu hadalka Eebbe, ee Qur’aanka barakaysan ahi, soo degay. Waxa ay ka mid tahay cibaadooyinka Ilaahay addoomadiisa ku waajibyeelay in ay gutaan, Eebbe waxa uu Qur’aanka kariimka ah innoogu caddeeyay bishan in ay qof kasta oo Muslim ah waajib ku tahay in uu soomo: “يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ”.
Nabigeeenna Muxammad (SCW) waxa uu xadiis inoogu sheegay in bisha ramadaan la xirayo dhammaan shayaadiinta, waxaa kaloo la silsiladaynayaa jinka waaweyn, albaabbada naarta oo dhanna waa la awdayaa oo albaab ka mid ah xitaa la furi maayo, siddeedda albaab ee jannada dhammaantoodna waa la wada furayaa oo hal albaab oo ka mid ah lama xirayo.
Inta lagu gudo jiro bishaan muslimiinta oo dhan waxa ay wada xiranayaan afka oo wax kasta oo la cunayo ama la cabbayo ayay ka tagaan, waxaa yaraanaya sheegidda beenta, sidoo kale, waxaa mamnuuc ah in qof Muslim ah la xanto iyada oo markii horaba ay xaaraan ahayd haddana – waa in la sii adkeeyo. Rasuulka (SCW) waxa uu innoo sheegay qofkii aan intaan ka tagin in uu kaliya gaajo isku dilayo, Ilaahayna xaajo uu k aleeyahay aysan jirin in uu ka tago cuntadiisa iyo cabiddiisa.
Fadliga ku jira Tobanka Maalmood ee Naxariista:
Maalmihii la soo dhaafay ee bilowga u ahaa soddonka maalmood ee bisha barakaysan, waxa ay ahaayeen maalmo ay ku jirtay naxariis badan. Soddonkan maalmood waxa ay u kala qeybsanyihiin saddex qeybood oo qeyb kastana toban maalmood ka kooban. Tobanka kowaad waa toban maalmood oo Eebbe u naxariisanayo addoomadiisa Muslimiinta ah, tobanka xiga waa maalmo denbidhaaf ah, tobanka saddexaadna waa kuwo Eebbe uu addoomadiisa naarta kaga xoraynayo.
Tobanka maalmood ee ugu horreeya waa kuwo ku suntan naxariis, cibaado iyo samir. Dadka sooma iyaga oo kow iyo toban bilood soo afurnaa, waxa ay u samrayaan ama ay u adkaysanayaan gaajada ay dareemayaan. Tobanka hore ee bisha Ramadaan ka dib, jirkeenna iyo maskaxdeenna waxa ay la soo qabsadeen cibaadada iyo ka fogaanshaha waxyaabaha la innaga xarrimay ee xunxun. Waxa aan soo barannay u degdegidda cibaadada iyo in aan salaadaha waajibka ah aan ku tukanno waqtiyadooda iyo in aan badino sunnooyinka iyo akhrinta Qur’aanka. Waxaan tobanka maalmood ee soo socda isu diyaarinnay joogtaynta cibaadooyinkii ay jirkeenna iyo maskaxdeennu la soo qabsadeen. Tobankan maalmood waxaa lagu sii tartamayo waa u hormaridda cibaadooyinka iyo caawinta dadka masaakiinta ah ee aan awoodin in ay helaan wax ay ku noolaadaan.
Bulshada iyo Lafalgalka Bisha Ramadaan:
Bulshadu waxa ay Ramadaanka ula falgaleen si diirran oo ka muuqata firfircooni gaar ah, waxaa aad u kordhay isdhexgalka bulshada iyo waxwadaqeybsiga. Tobankii maalmood ee bisha Ramadaan waxaa loo soo dhoweeyay si aan caadi ahayn, innaga oo ka arki karna sida ay bulshada u nadiifiyaan masaajidda si ay ugu oogi lahaayeen cibaadada. Waxaa la soo buuxdhaafiyay goobaha wanaagsan ee cibaadada iyo kheyrka loo tago oo ay masaajidda ka mid yihiin. In badan dadka hagay gelinka hore soo shaqaystaan ama ay danahooda soo qabsadaan waxa ay imaanayaan masaajidda si ay ugu nastaan Eebbe na ugu caabudaan.
Waxyaabaha kale oo sida hufan u muuqda in uu aad uxoogeystay is dhexgalka bulshada, waxaan aragnaa dad dhallinyaro iyo odeyaal iskugu jira oo hal meel inta ay iskugu imaadaan si wadajir ah u wada afuraya, arrinkani waxa uu xoojinayaa isku xirnaanshaha bulshada iyo isfahankooda.
Waxaa kaloo jira dhallinyaro isu xilqaamtay in ay caawiyaan dadka walaalahooda ah oo duruufaha nololeed haysata iyaga oo gaarsiinaya wixii ay cuni la haayeen iyo wixii ay cabbi lahaayeen. Dhallinyaro qaar oo isugu jira ciidamo iyo shacab ayaa iyagana ka qeyb qaadanayay sidii ay afbilow ama afur usiin lahaayeen dadka waddooyinka maraya oo ka daahay in ay guryahooda ku afuraan oo waqtigii afurka waddada ugu galay.
Tobanka hore ee bisha Ramadaan waxa ay, sidoo kale, bulshada u wada tartamayeen cibaadooyinka waajibka ah iyo sunnooyinka iyaga oo wada aadaya salaadda taraawiixda iyo salaadaha kale ee jamaca ah.
Waxaa kaloo firfircooni aad ubadan ka muuqata suuqyada ganacsiga halkaasi oo ay daku ku kala iibsanayaan waxyaabaha ay u baahanyihiin, ganacsatadu waxa ay samaynayaan qiimadhimis ay daku uga faa’iidaynayaan adeegyada ay hayaan iyaga oo ajar iyo xasanaad ka raadsanaya.
Waxa ay gaarka yihiin 10ka hore waxaa ka mid ah:
- Samir, dulqaad iyo adkaysi.
- Naxariis iyo cibaado.
- Degganaansho iyo xasillooni.
- Bilowga in loo tartamo waxyaabaha khayriga ah.
- Wanaajinta iyo dibuhabaynta niyadda.
- Iimaanka iyo hannuunka oo kor u soo kaca.

Maryama Isaaq
Qore dersa culuunta bulshada, isla markaasna xiisaysa daraasaynta iyo wax-ka-qoridda dhaqamada bulshada, habfikirkooda iyo saykoolojiyadda bulsheed.