Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u sheegtay inaysan soo saarin warqad baraha bulshada lagu faafiyay, taasoo cinwaan looga dhigay “Soomaaliya oo dib u xaqiijisay taageerada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.”
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa tilmaamtay in warqaddaasi tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, islamarkaana aysan jirin wax xiriir rasmi ah oo dowladda Soomaaliya ay arrintaas la gashay Iiraan.
Dowladda ayaa dadka shacabka ah ku boorisay inaysan ku dhaqmin warar aan la xaqiijin, isla markaana ay raacaan ilo rasmi ah.




From the comments