U bood dhigaalka

DEGDEG: Dowladda Soomaaliya oo beenisay war baraha bulshada ku faafay

Sheeko:War

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u sheegtay inaysan soo saarin warqad baraha bulshada lagu faafiyay, taasoo cinwaan looga dhigay “Soomaaliya oo dib u xaqiijisay taageerada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa tilmaamtay in warqaddaasi tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, islamarkaana aysan jirin wax xiriir rasmi ah oo dowladda Soomaaliya ay arrintaas la gashay Iiraan.

Dowladda ayaa dadka shacabka ah ku boorisay inaysan ku dhaqmin warar aan la xaqiijin, isla markaana ay raacaan ilo rasmi ah.

Tani waxay ka dambeysay kadib markii warar been abuur ah ay ku faafeen baraha bulshada, kuwaasoo sababay jahawareer iyo su’aalo ku saabsan siyaasadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

Dowladdu waxay cadeysay in xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya uu ku dhisan yahay is-afgarad iyo wadahadal rasmi ah, isla markaana aysan jirin wax tallaabo ah oo dowladda ay qaadday oo la xiriira taageerada Iiraan.