Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Oo Beenisay Wararka Hakadka Duulimaadyada Garoonka Muqdisho
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa si rasmi ah u shaacisay in dhammaan duulimaadyadii qorshaysnaa maalinta Isniinta ah, taariikhduna ku beegan tahay 2-da Maarso 2026, ay u socdaan sidii caadiga ahayd, isla markaana aanay jirin wax isbeddel ah oo ku yimid jadwalka duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Hay’addu waxay sheegtay inaysan jirin wax xog ah oo muujinaya hakad ama dib u dhac ku yimid duulimaadyada ka baxaya ama imanaya garoomada dalka, iyadoo xustay in howlaha duulista ay si habsami leh uga socdaan dhammaan garoomada diyaaradaha ee Soomaaliya.
Sidoo kale, HDRS ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in la joojiyay ama wax laga beddelay duulimaadyada.
Waxay hay’addu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay ka feejignaadaan wararka aan rasmiga ahayn, islamarkaana xogta saxda ah ka raadsadaan ilo lagu kalsoon yahay.
Ugu dambeyn, HDRS waxay xaqiijisay in ammaanka iyo badqabka duulimaadyadu ay yihiin mudnaanta koowaad, ayna si dhow ula socdaan xaalad kasta oo saamayn karta hawlaha duulista dalka.