Xildhibaan Ilhan Omar oo Si Adag uga Soo Horjeesatay Dagaalka bariga dhexe, Kuna Tilmaantay Sharci-Darro
Xildhibaanad Ilhan Omar ayaa sheegtay in Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay kula talisay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dalalka Bariga Dhexe inay guryahooda ku nagaadaan maadaama xaaladdu kacsan tahay.
Waxay tilmaantay in la socod lagu hayo wararka ku saabsan sida loo xaqiijinayo badqabka dadka Mareykanka ah ee gobolka, iyadoo ku eedeysay Madaxweyne Donald Trump inuu wado dagaal ay ku tilmaantay sharci-darro iyo anshax-xumo.
Sidoo kale, waxay ugu baaqday muwaadiniinta inay iska diiwaangeliyaan barnaamijka Isdiiwaangelinta Safarka ee Muwaadiniinta (STEP), oo ah nidaam ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku bixiso digniinaha degdegga ah ee amniga iyo ogeysiisyada la xiriira kaalmada bixitaanka haddii la diyaariyo.
Waxay intaas ku dartay in dadka ku nool degmadeeda ay la xiriiri karaan xafiiskeeda si su’aalo ama codsiyo gargaar ah loogu gudbiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.