U bood dhigaalka

๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฅ๐š๐š๐ฒ๐ข๐ข๐ง ๐ƒ๐จ๐ฅ๐ฅ๐š๐ซ ๐จ๐จ ๐š๐ก ๐‚๐š๐ฒ๐ฆ๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐—๐จ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐†๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐๐จ๐ฒ๐ฌ๐š๐ฌ๐ค๐ข๐ข ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐ฎ๐ก๐ฎ ๐’๐š๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ž๐ง.

Sheeko:War

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha.

Lacagtan waxaa si toos ah loo gaarsiiyay xoolo-dhaqatada dalka ee ka faidaystay barnaamijka DRIVE ee caymiska xoolaha.

Lacagtan waxaa helay 17,734 xoolo-dhaqato ah oo is diwaangeliyay xilliyadii Guโ€™ga (April 2025) iyo Dayrta (October 2025).

Bixinta caymiskan waxay timid kadib markii tusmada abaaraha Takaful ee ku salaysan xogta dayax-gacmeedka uu xaqiijiyay in roob laโ€™aantii dhacday Dayrtii Octoberโ€“December 2025 ay si weyn u baabi’isay dhul-daaqsimeedka gobollo badan.

Xoolo-dhaqatadii iibsatay caymiska abaaraha waxaa lacagaha si toos ah loogu shubay akoonnadooda moobilka.

Qoysaska helay lacagtan ma aheyn kaalmo la siiyay, balse waa dad horey u iibsaday caymiska Takaful, oo ah nidaam waafaqsan Shareecada Islaamka kuna dhisan mabdaโ€™a wadaagga khataraha iyo iskaashiga bulshada.

Caymiska Takaful waa aalad maaliyadeed oo lagu xoojinayo adkeysiga dhaqaale ee xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed.

Barnaamijka DRIVE waa tusaale ka mid ah hindisaha cusub ee Bangiga Adduunka ee la yiraahdo ‘AgriConnect’, kaas oo isku xiraya saddex arrin oo muhiim ah: 1-dib-u-habayn sharciyeed (sida hirgelinta Sharciga Takaful), 2-maalgelin guud iyo mid gaar, iyo 3-maalgashiga kaabayaasha dhijitaalka ah, Waxa uu si isku dhafan isugu xirayaa suuqyada xoolo-dhaqatada, adeegyada maaliyadeed, tignoolajiyada, iyo horumarinta xirfadaha.