U bood dhigaalka

Madaxweyne Geelle oo si Rasmi ah u Gudbiyay Codsigiisa Musharraxnimo ee Doorashada 2026

Sheeko:War

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si rasmi ah u gudbiyay codsiga musharraxnimadiisa doorashada madaxtinnimada ee dhici doonta bisha Abriil 10-keeda, 2026, isagoo hiigsanaya inuu sii kordhiyo muddo-xileedkiisa lixaad.

Geelle oo hadda 78 jir ah, waxa uu xukunka dalka hayay tan iyo sanadkii 1999, markaas oo uu xilka kala wareegay madaxweynihii ugu horreeyay ee Jabuuti, Xasan Guuleed Abtidoon, oo isagu adeer u ahaa.

Muddadaas 27-ka sano ah ee uu talada hayay, Geelle waxa uu Jabuuti u beddelay xarun istiraatiiji ah oo dhanka ganacsiga iyo amniga ah, isagoo dalka ka dhigay meel ay ku wada yaallaan saldhigyo milatari oo ay leeyihiin quwadaha caalamka sida Mareykanka, Shiinaha, iyo Faransiiska.

​Tallaabadan hadda uu mar kale u tartamayo waxay timid ka dib markii Baarlamaanka Jabuuti uu bishii Oktoobar 2025 meesha ka saaray xadkii da’da ee musharraxiinta oo ahaa 75 sano, taas oo u furay jidka sharci ee uu mar kale ku tartami karo.

Inkasta oo taageerayaashiisu ay ku ammaanayaan horumarka dhaqaalaha iyo xasilloonida dalka, haddana kooxaha mucaaradka ayaa dhankooda si weyn u dhaliilsan mudada dheer ee uu xukunka hayo, iyagoo ku eedeynaya nidaamka doorashada mid aan hufnayn oo xannibaya dimuqraadiyadda tartanka furan.

Marka la gaaro 16-ka Maarso, waxaa si rasmi ah loogu dhowaaqi doonaa liiska musharraxiinta la ansixiyay, taas oo billow u noqon doonta ololaha doorashada ee go’aamin doona hogaanka Jabuuti ee shanta sano ee soo socota.