DEG-DEG: Koofur Galbeed Oo Hakisay Xiriirkii Ay La Lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya
Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay hakisay xiriirkii ay la lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya, arrin muujinaysay xiisad siyaasadeed oo cusub oo ka dhex dhalatay labada dhinac.
Afhayeenka maamulka Koofur Galbeed, Ugaas Xasan, ayaa warbaahinta u sheegay in go’aankan uu yahay mid ay qaateen hoggaanka sare ee dowlad-goboleedka, isaga oo xusay in hakinta xiriirka ay sii jiri doonto ilaa amar dambe.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in sababta go’aankan ay la xiriirto arrimo siyaasadeed iyo isfaham la’aan ka taagan wada shaqeyntii kala dhaxaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo uusan faahfaahin dheeraad ah ka bixin qodobada muranka dhaliyay.
Go’aankan ayaa imanaya xilli ay jireen warar sheegaya khilaaf soo kala dhex galay labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada maamulka, amniga iyo wada shaqeynta dowladeed.