Laftagareen oo gaaray Baydhabo xilli Koonfur Galbeed ay xiriirka u jartay Dowladda Federaalka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha Shaati Guduud ee magaalada Baydhabo, xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa maamulka uu hoggaamiyo iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Laftagareen uu qorsheynayo inuu maalinta berri ah la hadlo warbaahinta.
Imaanshaha Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Koonfur Galbeed uu saaka si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu xiriirka u jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya, arrintaas oo sare u qaaday walaaca ku saabsan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac.
Lama oga weli faahfaahinta go’aanka xiriir-jarka, balse hadalka la filayo ee Madaxweyne Laftagareen ayaa la rumeysan yahay inuu iftiimin doono sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya tallaabadan iyo jihada uu qaadi doono maamulka Koonfur Galbeed.