U bood dhigaalka

DFS oo War Ka Soo Saartay Xaaladda Koonfur-Galbeed iyo Khilaafka ka dhashay Wada-shaqaynta

Sheeko:War

​Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadlayso xaaladihii ugu dambeeyay ee ka soo cusboonaaday deegaannada Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed.

​Wasaaraddu waxay walaac ka muujisay caqabadaha dhinaca siyaasadda iyo amniga ah ee xilligan ka dhex muuqda deegaannadaas, iyadoo soo saartay afar qodob oo muhiim ah:

​1. Ammaanta Shacabka iyo Maamulka

​DFS waxay ku bogaadisay shacabka iyo maamulka Koonfur-Galbeed doorkii ay ka qaateen ilaalinta midnimada dalka iyo ka qayb-qaadashada hannaanka dib u eegista dastuurka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.

​2. Xasilooni Darrada iyo Khilaafaadka

​Dowladda Federaalka waxay caddeysay inaysan marnaba qayb ka ahayn xasilooni darrada ka jirta qaar ka mid ah deegaannada Koonfur-Galbeed. Waxay ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo colaadaha, khilaafaadkana lagu xalliyo wada-hadal si loo ilaaliyo guulihii laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

​3. Go’aankii lagu hakiyay Wada-shaqaynta

​Wasaaraddu waxay si adag u cambaareysay go’aankii ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur-Galbeed ee lagu sheegay in la hakiyay wada-shaqayntii kala dhaxaysay DFS.

Waxay sheegtay in hay’adaha dowladda federaalku ay sii wadi doonaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan deegaannadaas iyo shacabka ku nool.

​4. Baaq ku socda Maamulka iyo Shacabka

​Ugu dambayn, DFS waxay ugu baaqday maamulka Koonfur-Galbeed inay sii wadaan ka qayb-galka hannaanka dib-u-heshiisiinta. Sidoo kale, waxay shacabka, beelaha, iyo siyaasiyiinta deegaanka uga digtay wax kasta oo khatar gelin kara amniga iyo xasiloonida dadka ku nool Koonfur-Galbeed.