Madaxweyne Lafta-gareen oo weerar afka ah ku qaaday Hoggaanka Dowladda Federaalka
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa jeediyay qudbad xasaasi ah oo uu si weyn ugu dhaliilay hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Lafta-gareen ayaa si cad u sheegay in dastuurka qura ee sharciyadda leh ee dalka lagu hagi karo uu yahay kii la isku raacay sanadkii 2012-kii, isagoo ku eedeeyay dowladda dhexe inay wado qorshe lagu burburinayo nidaamka federaalka ee dalku u yaallo.
Waxa uu intaas ku daray in dowladda federaalku ay si toos ah ula shaqeyso kooxda Al-Shabaab, isagoo xusay in hubka iyo gaadiidka kooxdaas u gudba ay maraan waddooyin ay dowladda mas’uul ka tahay.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sharraxay in saddexdii sano ee u dambeeyay uu dadaal badan ku bixiyay sidii uu ula shaqeyn lahaa Xasan Sheekh si loo ilaaliyo midnimada Soomaalida, balse uu hadda arkay hoggaan is-keligi-talinnimo ah oo aan cidna kala tashan maamulka dalka.
Isagoo la hadlayay shacabka Koonfur Galbeed, wuxuu ku boorriyay inay dhabarka adkeeyaan, madaxoodana hoos u dhigin, iska caabiyanna cadaadiska uu sheegay inuu kaga imaanayo madaxda sare ee dowladda.
Ugu dambeyntii, madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in khilaafku gaaray meel aan laga soo laaban karin, taas oo muujineysa inuu jiro dillaac weyn oo xagga wadahadalka iyo is-afgaradka siyaasadeed ah oo u dhexeeya labada dhinac.