U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: DFS oo Celisay Diyaarad ay Saarnaayeen Wasiirro ka tirsan Koonfur Galbeed

Sheeko:War

​Wararka naga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in goordhow laga hor istaagay safar ay ku jireen wasiirro iyo xubno sare oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

​Diyaaraddan oo ku sii jeedday magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay, ayaa la sheegay in lagu amray inay baajiso duulimaadkeeda, iyadoo markii dambe laga soo dejiyay mas’uuliyiintii saarnaa.

​Xubno ka tirsan wasiirrada laga hor istaagay safarkooda ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in amar ka soo baxay hay’adaha amniga ama maamulka sare ee dowladda lagu joojiyay duulimaadkooda.

Wasiirradan ayaa qorsheynayay inay dib ugu laabtaan fadhigooda Baydhabo si ay uga qayb galaan howlaha maamulka.

​Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa xilli xasaasi ah oo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).