Goobjoog

​In ka badan 10 Suxufi oo todobaad gudihiis lagu xiray Muqdisho

In ka badan 10 suxufi oo ay ku jiraan haween ayaa todobaadkan gudihiisa lagu xiray magaalada Muqdisho, taas oo muujisay xaaladda sii cakirmaysa ee ay wajahayaan weriyeyaasha ka howlgala caasimadda.…

​In ka badan 10 Suxufi oo todobaad gudihiis lagu xiray Muqdisho

In ka badan 10 suxufi oo ay ku jiraan haween ayaa todobaadkan gudihiisa lagu xiray magaalada Muqdisho, taas oo muujisay xaaladda sii cakirmaysa ee ay wajahayaan weriyeyaasha ka howlgala caasimadda.

Labadii ugu dambeeyay ee xubnahaas ayaa laga soo qabtay degmada Deyniile, kuwaas oo kala ah Amiira Salaabeen oo ka tirsan Kaab TV iyo Iqro Cabdullaahi oo ka tirsan Five TV.

​Labadan gabdhood oo xilligii la xirayay ku jiray gudashada waajibaadkooda shaqo ayaa laga qaatay qalabkii ay ku shaqeynayeen, waxaana sii haysashadooda lagu tilmaamay mid ka baxsan sharciga oo meel ka dhac ku ah xorriyadda warbaahinta.

Caburinta noocan ah ayaa bishan gudaheeda kor u kacday, iyadoo aan ilaa hadda la soo bandhigin sababo sharci oo lagu caddeynayo xarigga tirada intaas le’eg ee suxufiyiinta ah.

​Ururka Safe Reporters of Somalia (SRS) oo si adag uga hadlay arrintan ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin xad-gudubyada lagula kaco suxufiyiinta.

Afhayeenka ururka, Hanad Cali Guled, ayaa dalbaday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo gabdhahaas, isagoo ka digay in caburinta sii kordheysa ay dhaawacayso sumcadda dalka, isla markaana ay halis gelinayso xaqa muwaadiniinta ee helitaanka warar xor ah oo hufan.
​

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments