Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xuddur ayaa soo saaray qoraal lama filaan ah oo ay si adag uga hor yimaadeen madaxweynaha hadda talada haya ee maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo ku tilmaamay hoggaankiisa mid sharci darro ku jooga.
Mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada ayaa caddeeyey inay mowqif cad ka qaateen xaaladda siyaasadeed ee maamulkaas, waxayna sheegeen inay si toos ah ula shaqeyn doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ilaa laga helayo maamul sharci ah oo deegaanka matala.
Dhanka kale, maamulka Bakool ayaa si buuxda u taageeray dastuurka dalka ee dhowaan uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo xusay inay garab taagan yihiin tallaabooyinka lagu dhisayo qarannimada iyo dhameystirka shuruucda dalka.




From the comments