Dagaal aad u culus ayaa xilligan ka socda deegaanka Habar-Dooy oo dhaca dhanka koonfureed ee deegaanka Deynuunay ee gobolka Baay.
Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya aaggaas ayaa sheegaya in iska horimaadkani uu ku bilaawday weerar ay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ku qaadeen fariisimo ay deegaankaas ku lahaayeen ciidamada mucaaradka.
Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in la maqlayo daryanka hubka noocyadiisa kala duwan iyo jug culus oo mararka qaar gilgilaysa agagaarka Habar-Dooy.




From the comments