U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare oo si rasmi ah u ansixisay natiijada doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir

Maarso 28, 2026

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah oo kama dambays ah u ansixisay natiijada doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, ka dib markii ay dhuuxday dacwadaha iyo hannaankii ay u dhacday codayntu.

Go’aankan maanta ka soo baxay Maxkamadda Sare wuxuu si sharci ah u xaqiijinayay natiijadii hordhaca ahayd ee ay dhowaan ku dhowaaqeen Guddiga Doorashooyinka Qaranku, taas oo dhabaha u xaraysa in markii ugu horreysay gobolku yeesho hoggaan deegaan oo ku yimid codka shacabka.

​Garsoorka sare ee dalku wuxuu caddeeyay in nidaamka doorashada ee ka dhacay degmooyinka gobolka uu u qabsoomay si waafaqsan sharciga iyo habraacyada loo dejiyay doorashooyinka golayaasha deegaanka, iyadoo meesha laga saaray cabashooyinkii ka dhashay natiijadaas ka dib markii la waayay cadaymo wax u dhimaya hufnaanta tartanka.

Ansixintan ayaa ka dhigan in xubnaha ku guuleystay kuraasta golayaasha deegaanka ay hadda si sharci ah u gudan karaan waajibaadkooda, iyadoo la filayo in dhowaan la qabto munaasabadaha dhaarinta iyo doorashada hoggaanka sare ee maamullada degmooyinka iyo kan gobolka.

​