Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa gashay weji cusub ka dib markii ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa loo yaqaanno Badbaado Koonfur Galbeed ay la wareegeen gacan ku haynta inta badan xaafadaha magaaladaas.
Ciidankan isbahaysanaya ayaa ku guuleystay inay gudaha u galaan magaalada, iyadoo lagu soo waramayo inay hadda gacanta ku hayaan baraha muhiimka ah, balse waxaa lagu amray inaysan dhaafin saldhigga dhexe ee magaalada, iyadoo la xaddiday dhaqdhaqaaqooda ku aaddan dhanka madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha.
Dhanka kale, ciidankii daacadda u ahaa maamulka Koonfur Galbeed ayaa la soo sheegayaa inay isku uruursadeen qaybo kooban oo ka mid ah magaalada, taas oo abuurtay xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay is horfadhiga ciidamada iska soo horjeeda.




From the comments