Goobjoog

​DFS oo ka Warbixisay Xaaladda Magaalada Baydhabo

​Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay bayaan rasmi ah oo ay kaga hadlayso xaaladihii ugu dambeeyey ee ka soo kordhay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo oo…

​DFS oo ka Warbixisay Xaaladda Magaalada Baydhabo

​Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay bayaan rasmi ah oo ay kaga hadlayso xaaladihii ugu dambeeyey ee ka soo kordhay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo oo fariisin u ah maamulkaas.

Dowladda ayaa sheegtay in muddooyinkii u dambeeyey ay ku hawlanayd sidii xal looga gaari lahaa arrimaha gobolka, iyadoo mudnaanta la siinayo talo ay u dhan yihiin shacabka ku dhaqan deegaannadaas, balse ay nasiib darro tahay in tallaabooyinkaas wanaagsan uu ka hor yimid maamulkii hore ee Koonfur Galbeed, kaas oo ay dowladda ku eedaysay inuu abuuray xiisado siyaasadeed oo dalka dib u dhac ku ah.

​War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in shacabka reer Koonfur Galbeed oo ka dhiidhiyay xadgudubyada maamulkii hore ay maanta si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Baydhabo.

Waxaa intaas dheer in Ciidamada Qalabka Sida oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee ilaalinta midnimada, xasiloonida iyo dowladnimada ay iyaguna maanta gaareen magaaladaas, iyagoo ka jawaabaya rabitaanka shacabka iyo baahida loo qabo in la sugo amniga guud ee deegaanka.

​Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u dirtay waxgaradka iyo shacabka reer Koonfur Galbeed ee sida diiran u soo dhoweeyey Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo ugu baaqday qaybaha kala duwan ee bulshada inay muujiyaan deganaansho, midnimo iyo wadajir xilligan xasaasiga ah.

Dowladda ayaa sidoo kale u xaqiijisay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Koonfur Galbeed, inay ka go’an tahay ilaalinta nabadda iyo hantida dadweynaha, iyadoo hoosta ka xariiqday in aan la aqbali doonin falal aargudasho ama beegsi ah.
​

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments