Goobjoog

​Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay qabsashada magaalada Baydhabo

​Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn ah ayaa gaaray magaalada Baydhabo, ka dib markii ay waddada dheer ka sifeeyeen maleeshiyaadkii Shabaab. ​Dhinaca kale, saraakiisha amniga ayaa gudaha…

​Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay qabsashada magaalada Baydhabo


​
Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn ah ayaa gaaray magaalada Baydhabo, ka dib markii ay waddada dheer ka sifeeyeen maleeshiyaadkii Shabaab.

​Dhinaca kale, saraakiisha amniga ayaa gudaha magaalada Baydhabo ka wada hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga, ka dib markii laga saaray magaalada maleeshiyaad uu marin-habaabiyay hoggaamiyihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed.

​Sidoo kale, gudaha magaalada waxaa kula kulmay shacabka Baydhabo, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay wehliyaan qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed oo horay uga soo horjeestay xadgudubyadii maamulkii hore iyo xiriirkii lala yeeshay Shabaab.

​Boqolaal ka mid ah shacabka Baydhabo ayaa gudaha iyo daafaha magaalada kusoo dhaweeyay Ciidamada Qaranka, iyagoo muujinaya sida ay ugu faraxsan yihiin in laga xoreeyay maleeshiyaadkii Shabaab iyo kuwii xiriirka la lahaa.

​

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments