Goobjoog

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Magacowday Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeellada Hoose

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30-ka Maarso, 2026, soo saartay wareegto rasmi ah oo xil muhiim ah loogu magacaabay…

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Magacowday Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeellada Hoose

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30-ka Maarso, 2026, soo saartay wareegto rasmi ah oo xil muhiim ah loogu magacaabay hoggaanka Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Wasaaradda, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si rasmi ah u magacaabay Mudane Cabdifitaah Sayid Axmed Cabdi inuu noqdo Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose, isagoo xilkaas si degdeg ah u bilaabaya laga bilaabo maanta oo uu wasiirku saxiixay dokumentiga.

​Magacaabistan ayaa timid ka dib markii wasaaraddu ay tixraacday Qodobka 43-aad ee Sharciga Gobollada iyo Degmooyinka dalka ee soo baxay sannadkii 2013, iyadoo la eegayo baahida loo qabo xoojinta maamulka iyo amniga degaannada Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku caddeeyay in go’aankan uu qaatay ka dib markii uu wadatashiyo ballaaran la yeeshay mas’uuliyiinta sare ee dowladda ee ka soo jeeda gobolkaas, isagoo garwaaqsaday in la joogo xilligii loo baahnaa isbeddel dhanka hoggaanka ah si loo horumariyo adeegyada bulshada ee Gobolka Shabeellada Hoose.
​

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments