Goobjoog

Wasiirka Maaliyadda oo loo magacaabay Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed xilli Laftagareen uu ka dhoofay Baydhabo

​Isbeddel lama filaan ah ayaa ku yimid hoggaanka sare ee maamulka Koonfur Galbeed, ka dib markii heshiis rasmi ah ay gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha xilka banneeyay, Cabdicasiis Xasan…

Wasiirka Maaliyadda oo loo magacaabay Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed xilli Laftagareen uu ka dhoofay Baydhabo

​Isbeddel lama filaan ah ayaa ku yimid hoggaanka sare ee maamulka Koonfur Galbeed, ka dib markii heshiis rasmi ah ay gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha xilka banneeyay, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Heshiiskan ayaa dhigaya in xilka madaxtinnimada ee maamulkaas si kumeel gaar ah loogu wareejiyo Wasiirka Maaliyadda ee Koonfur Galbeed, kaas oo noqonaya kusimaha madaxweynaha inta laga gaarayo go’aanno kale.

​Tallaabadan ayaa timid xilli magaalada Baydhabo ay ku jirto jawi kala guur ah, iyadoo ciidamada dowladda federaalku ay horey ula wareegeen gacan ku haynta goobaha muhiimka ah.

Wararka ayaa xaqiijinaya in madaxweyne Laftagareen uu hadda si rasmi ah uga duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, isagoo saaran diyaarad gaar ah oo wadata sumadda 5Y-FAR.
​Madaxweynaha xilka wareejiyay ayaa la sheegay inuu ku sii jeedo magaalada Nairobi.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments