Goobjoog

​Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wafdi Ballaaran oo gaaray Baydhabo

​Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta gaaray wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).…

​Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wafdi Ballaaran oo gaaray Baydhabo

​Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta gaaray wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Imaatinka wafdigan ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo ay magaaladu martigelinayso isbeddel weyn oo dhanka hoggaanka ah, ka dib is-casilaaddii madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

​Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye Aadan Madoobe waxaa qayb ka ah xubno miis culus ku leh xukuumadda federaalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyo Wasiirka Awqaf iyo Arrimaha Diinta, iyadoo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo sare.

Socdaalkan ayaa loo arkaa mid dowladda federaalku ay ku xoojinayso joogitaankeeda gobolka iyo xaqiijinta xasilloonida xilligan kala guurka ah ee ay magaaladu ku jirto.

​Ujeeddada ugu weyn ee socdaalka wafdigan ayaa salka ku haysa kormeerka xaaladda amni ee magaalada, maadaama ay ciidamada dowladda la wareegeen gacan ku haynta Baydhabo, iyo sidii loo bilaabi lahaa wada-tashiyo ku saabsan mustaqbalka maamulka Koonfur Galbeed.

Maadaama uu Guddoomiye Aadan Madoobe yahay mas’uul miis ku leh degaanka, imaatinkiisu wuxuu kalsooni gelinayaa shacabka, isagoo hormuud ka noqonaya xaqiijinta in hannaanka cusub ee maamul uu u dhaco si nabdoon oo loo dhan yahay.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments