U bood dhigaalka

Markabka Çağrı Bey oo Jimcaha Soo Gaaraya Xeebaha Soomaaliya

Abriil 5, 2026

Markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey, oo ay leedahay dowladda Türkiye, ayaa la filayaa inuu Jimcaha soo gaaro xeebaha Somalia, si uu u bilaabo howlgalka qodista shidaalka ee badda (offshore).

Wasiirka Tamarta ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa xaqiijiyay in markabkan uu qeyb ka yahay qorshe istaraatiiji ah oo labada dal ay iska kaashanayaan, kaas oo diiradda saaraya sahminta iyo soo saarista khayraadka shidaalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in markabka si rasmi ah loo sagootiyay ka hor safarkiisa, isla markaana uu hadda diyaar u yahay inuu bilaabo howlgallada qodista, kuwaas oo la filayo inay maalmaha soo socda si rasmi ah u bilowdaan.

Mashruucan waxa uu ku saleysan yahay heshiis iskaashi oo dhinaca tamarta ah oo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Türkiye, kaas oo ay hormuud ka ahaayeen Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud.