Muqdisho – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan la qaatay Guddiyada Maaliyadda ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista Xisaab-xirka Dowladda ee sanad-maaliyadeedkii 2025, iyadoo guddiyadu ay Wasaaradda Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Guud ka dalbadeen faahfaahin iyo jawaabo ku saabsan su’aalo ay horay uga diyaariyeen warbixinta xisaab-xirka.
Su’aalaha guddiyada ayaa si gaar ah u taabanayay dakhliga dowladda, kharashaadka, fulinta miisaaniyadda iyo habka loo maamulo hantida iyo lacagaha dadweynaha.




From the comments