Somnet Telecom oo Daahfurtay Olole Cusub oo Lagu Horumarinayo Isgaarsiinta Jiilka Cusub ee Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya – Shirkadda isgaarsiinta ee Somnet Telecom ayaa wada dadaallo ay ku horumarinayso adeegyada isgaarsiinta iyo xalalka dijitaalka ah, iyadoo bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigaysa adeegyo casri ah oo…

Somnet Telecom oo Daahfurtay Olole Cusub oo Lagu Horumarinayo Isgaarsiinta Jiilka Cusub ee Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya – Shirkadda isgaarsiinta ee Somnet Telecom ayaa wada dadaallo ay ku horumarinayso adeegyada isgaarsiinta iyo xalalka dijitaalka ah, iyadoo bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigaysa adeegyo casri ah oo loogu talagalay fududeynta xiriirka iyo baahiyaha maalinlaha ah.

Shirkadda ayaa soo bandhigtay olole cusub oo loogu magac daray “Kusoo Biir Isgaarsiinta Jiilka Cusub”, kaas oo ujeeddadiisu tahay in bulshada lagu baro adeegyada ay bixiso iyo fursadaha kala duwan ee macaamiishu ka heli karaan.

Somnet Telecom ayaa macaamiisheeda u soo bandhigta adeegyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Mataan, Jeebkaaga Labaad, Mudnaan iyo Bulaal, kuwaas oo loogu talagalay in lagu daboolo baahiyaha kala duwan ee isgaarsiinta.

Adeegga Mataan ayaa macaamiisha siinaya fursad ay ku sii isticmaalaan lambarkoodii hore ee shirkadda Hormuud, iyagoo helaya lambar u dhigma oo Somnet ah. Sidoo kale, adeegga Jeebkaaga Labaad waxaa laga heli karaa lambarka gaaban ee *810#, halka adeegga Mudnaan laga heli karo *870#.

Dhanka kale, adeegga Bulaal ayaa bixiya xirmooyin wicitaan oo loogu talagalay baahiyaha kala duwan ee macaamiisha.

Shirkadda Somnet Telecom ayaa sheegtay inay xoogga saarayso ballaarinta adeegyada isgaarsiinta, hal-abuurka, tayada adeegga macaamiisha iyo helitaanka adeegyo la jaanqaadaya baahiyaha bulshada.

Dadaalladan ayaa qayb ka ah hiigsiga shirkadda ee ah inay door muuqda ka qaadato horumarinta isgaarsiinta iyo adeegyada dijitaalka ah ee Soomaaliya.

Somnet Telecom – Isgaarsiinta Jiilka Cusub.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments