Muqdisho, 25 Nofeembar 2026 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Madasha 9-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka, taas oo sanadkan hal-ku-dhiggeedu yahay “U Gudbidda Dhaqaale Nabadeed”.
Madasha oo uu soo qabanqaabiyay Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa waxaa ka qeybgalay dhaqaaleyahanno, ganacsato, mas’uuliyiin dowladeed iyo cilmi-baarayaal, kuwaas oo ka dooday hannaanka kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo fursadaha ka dhashay xoojinta nabadda iyo dowladnimada.
Intii ay madashu socotay, waxaa lagu soo bandhigay daraasado muujinaya in Soomaaliya ay u gudubtay marxalad dhaqaale oo ku dhisan nabad, xasillooni iyo kobaca nidaamka dowliga ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dalka uu ka gudbo hab-dhaqankii iyo caqabadihii laga dhaxlay dagaalladii sokeeye, si dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya ay ula jaanqaadaan nidaamyada casriga ah ee dunida.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tusaale u soo qaatay isbeddelka amniga Muqdisho, isaga oo sheegay in markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilka qabtay ay magaalada ka jireen 65 isbaaro, taasoo muujinaysa horumarka laga sameeyay amniga iyo dowladnimada.
“Marka aad eegto meesha aan ka nimid iyo meesha aan joogno, rajo weyn baa ku galaysa. Waan soconnaa, inkasta oo xawaarihii la rabay aynaan ku socon, laakiin dhinicii wanaagsanaa ayaan u soconnaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Aragtida Madaxweynaha ee 2060-ka ay saldhig u yihiin mustaqbal dhaqaale oo wanaagsan, isaga oo xusay qorshaha lagu abuurayo 160,000 oo shaqo muddo gaaban gudaheed.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo dhaqaalaha xorta ah ay door weyn ka qaadanayaan abuurista shaqooyinka, halka dowladda ay mas’uul ka tahay abuurista jawi ku habboon maalgashiga iyo kobaca dhaqaalaha dalka.
Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka ayaa ah fursad ay dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku falanqeeyaan siyaasadaha lagu horumarinayo dhaqaalaha, laguna xoojinayo u gudbidda Soomaaliya ee dhaqaale ku dhisan nabad, wax-soo-saar iyo horumar waara.
From the comments