Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa saakay oo Jimco ah si weyn ugu dareeray goobaha codbixinta, iyagoo ka qeyb qaadanaya doorashada madaxweynaha ee hoggaamin doona dalka shanta sano ee soo socota.
Doorashadan ayaa timid kadib olole doorasho oo muddo socday, kaasoo ay ku loolamayeen musharaxiin kala duwan.
Tartanka ugu dambeeya ayaa u soo haray laba musharax oo waaweyn, kuwaas oo kala ah madaxweynaha xilka haya Ismaaciil Cumar Geelle, oo u sharaxan xisbiga UMP, iyo musharax Maxamed Faarax Samatar oo matalaya xisbiga CDU, isla markaana ay taageerayaan shan xisbi siyaasadeed oo kale.
Shacabka Jabuuti ayaa codadkooda ka dhiibanaya 413 goobood oo codbixin ah oo ku yaalla guud ahaan dalka, iyadoo la filayo in codeyntu socoto ilaa 6-da maqribnimo ee caawa.




From the comments