Goobjoog

Midowga Afrika oo Hambalyeeyay Dib-u-doorashada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelleh

War-saxaafadeed ay soo saartay Midowga Afrika ayaa lagu hambalyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Ismail Omar Guelleh, oo dib loogu doortay xilka hoggaanka dalkaas. War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay xarunta Midowga Afrika…

Midowga Afrika oo Hambalyeeyay Dib-u-doorashada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelleh

War-saxaafadeed ay soo saartay Midowga Afrika ayaa lagu hambalyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Ismail Omar Guelleh, oo dib loogu doortay xilka hoggaanka dalkaas.

War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, taariikhduna tahay 11 Abriil 2026, ayaa waxaa soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf.

Guddoomiyuhu wuxuu si diirran ugu hambalyeeyay Madaxweyne Guelleh guusha uu ka gaaray doorashada, isagoo xusay in natiijada rasmiga ah ay xaqiijisay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Jabuuti (CENI).

Sidoo kale, Midowga Afrika ayaa bogaadiyay shacabka Jabuuti sida nabadda ah ee ay uga qayb qaateen doorashada, taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay dimuqraadiyadda, midnimada qaranka iyo xasilloonida.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu muujiyay doorka muhiimka ah ee Jabuuti ku leedahay horumarinta nabadda, amniga iyo iskaashiga Geeska Afrika. Midowga Afrika wuxuu carrabka ku adkeeyay inuu sii wadi doono taageerada qorshaha horumarineed ee Ajendaha 2063.

Dhanka kale, waxaa la ammaanay howlgalka kormeerka doorashada ee Midowga Afrika (AUEOM) iyo hoggaaminta uu sameeyay madaxii howlgalka, kaasoo si xirfad leh u maamulay kormeerka doorashada.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa u rajeeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelleh inuu si guul leh u guto waajibaadka xilkiisa muddada cusub.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments