Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay safiirka cusub ee Hindiya u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Adarsh Swaika, isagoo ka guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga (credentials).
Kulanka ayaa lagu xoojiyay xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen rabitaan cad oo ku aaddan horumarinta iskaashi miro-dhal ah.
Wasiirka iyo safiirka ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in iskaashiga labada dal loo rogo mashaariic wax ku ool ah oo natiijo leh, kuwaas oo si toos ah uga faa’iideynaya shacabka labada dal.




From the comments