Goobjoog

Dowladda Soomaaliya oo Dalka Dib Ugu Soo Celisay 174 Muwaadin oo Ku Dhibaataysnaa Libya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 174 muwaadin Soomaaliyeed oo muddo ku dhibaataysnaa dalka Libya, kaddib dadaallo ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’adaha la shaqeeya. Wasiir…

Dowladda Soomaaliya oo Dalka Dib Ugu Soo Celisay 174 Muwaadin oo Ku Dhibaataysnaa Libya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 174 muwaadin Soomaaliyeed oo muddo ku dhibaataysnaa dalka Libya, kaddib dadaallo ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’adaha la shaqeeya.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xasan Maxamed Cali, ayaa sheegay in dowladda ay juhdi xooggan gelisay sidii loo badbaadin lahaa muwaadiniintan, loona fududeyn lahaa dib ugu soo laabashadooda dalka.

Mas’uulku wuxuu xusay in dadka la soo celiyay ay la kulmeen duruufo adag intii ay ku sugnaayeen Libya, isla markaana dowladda ay sii wadi doonto dadaallada lagu samatabixinayo muwaadiniinta kale ee wali ku xanniban dalalka dibadda.

Sidoo kale, dowladda ayaa ugu baaqday dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan tahriibka sharci darrada ah, oo inta badan halis gelisa nolosha dadka u bareera safarradaas.

Muwaadiniinta dib loo soo celiyay ayaa la sheegay in la siin doono taageero isugu jirta caafimaad, hoy, iyo dib u dejin si ay nolol cusub uga bilaabaan gudaha dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments