Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26-ka April 2026 ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud.
Cabdullaahi ayaa sheegay in go’aankiisa uu salka ku hayo caqabado siyaasadeed iyo is-mariwaa adag oo dalka ka jira, kuwaas oo uu sheegay inay horseedi karaan xasillooni-darro siyaasadeed iyo mid amni.
Wuxuu sidoo kale xusay inuu si dhow ula wadaagi doono shacabka aragtidiisa ku aaddan xal u helidda xasaradaha ka jira xilliga kala guurka, xilli ay wax ka yar 20 maalmood ka harsan yihiin dhammaadka muddada hay’adaha dowladda ee ku eg 15-ka May 2026.




From the comments