Wiil Soomaaliyeed oo 24 jir ahaa laguna magacaabi jiray Suhayb Abdulkadir ayaa si naxdin leh loogu dilay magaalada London, kaddib weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay xaafadda Leyton ee Bariga London, gaar ahaan St George’s Road.
Sida ay sheegeen booliska, ciidamada ammaanka ayaa goobta loo yeeray kadib markii lasoo sheegay iska horimaad dhex maray koox dhalinyaro ah.
Markii ay boolisku iyo gurmadka degdegga ah halkaasi gaareen, Suhayb ayaa laga helay dhaawacyo culus oo mindi ah.
Inkastoo dhaqaatiirtu dadaal badan ku bixiyeen badbaadintiisa, haddana waxaa lagu dhawaaqay inuu ku geeriyooday goobta.
Kiiskan dilka ah ayaa sababay in boolisku gacanta ku dhigaan afar qof oo lala xiriirinayo dhacdadan. Laba ka mid ah dadka la qabtay, oo lagu kala magacaabo Abdullahi Abdi oo 24 jir ah iyo Hanat Ahmed oo 25 jir ah, ayaa si rasmi ah loogu soo oogay dacwad dil ah, waxaana la filayaa in la horkeeno maxkamadda Thames Magistrates’ Court.
Labadii kale ee la qabtay, mid ayaa lagu sii daayay damiin, halka midka kalena si caadi ah loo sii daayay iyadoo baaritaanno dheeraad ah lagu hayo.
Booliska London ayaa sheegay in baaritaanku weli socdo, iyagoo shacabka ka codsaday cid kasta oo xog ka haysa dhacdadan inay lasoo xiriiraan, iyagoo adeegsanaya tixraaca kiiska 219/23APR.
Dilkan ayaa naxdin ku noqday bulshada Soomaaliyeed ee ku nool London, iyadoo la filayo in baaritaannada socda ay iftiimin doonaan sababta ka dambeysay weerarkan dhimashada sababay.
From the comments