Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah, Mudane Tom Fletcher, oo booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga maamulka Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobay gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, wax ka qabashada saameynta abaaraha, iyo taageerada dadka barakacay ee ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.
Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji uga mahadceliyay Qaramada Midoobay doorka muuqda ee ay ka qaadato taageerada shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay baahida loo qabo in la kordhiyo gurmadka degdegga ah iyo mashaariicda horumarineed ee wax ka tari kara xaaladaha bani’aadannimo ee sii kordhaya.




From the comments