U bood dhigaalka

ISBEDDELKA ISTARAATIIJIYADEED EE DAGAALKA KA DHANKA AH AL-SHABAAB

Aw Dacar
Qeybta: Amniga iyo Dawladdhiska
Abriil 30, 2026

Hordhac Kooban

Muddo sannado ah, nooca dagaal ee lagula jiro kooxda araggaxisada ee al-Shabaab (AS) wuxuu u muuqday mid ku kooban difaac, halkaas oo Ciidamada Qalabka Sida ay ku sugnaayeen fariisimo la yaqaanno oo aad mooddo inay ku sugayeen weerarrada kaga imaanaya dhanka argaggaxisada. Habkaasi wuxuu, inta badan, fursad siin jiray in cadowga uu isagu go’aan ka gaaro goorta iyo goobta uu rabo inuu dhibaato ka gaysto. Balse, dhacdooyinkii isdabajoogga ahaa ee bisha Abriil 2026 waxay daaha ka rogeen isbeddel lagu sameeyay qaabdhismeedka amniga iyo istaraatiijiyadda milatariga ee dalka, iyadoo dawladdu ay hadda si buuxda ugu wareegtay nidaamka kahortagga ka hor fulinta.

Isbeddelkan cusub wuxuu ka dhigan yahay in ciidamadu aysan kaliya iska difaacin weerarka, balse ay hadda awood buuxda u yeesheen inay fashiliyaan oo ay curyaamiyaan qorshe kasta oo cadowgu maleegayo, isagoo weli ku jira heerka diyaarinta, abaabulka, ama xitaa isagoo jidka ku soo jira. Waa weji cusub oo u dhowaanaya in cadowga lagu dhex baabi’iyo dhufaysyadiisa qarsoon iyo marinnada saadka ee uu u soo maro magaalooyinka, taas oo horseedaysa in gabi ahaanba meesha laga saaro xeeladdii weerarka kediska ahayd ee argaggaxisadu ku faani jirtay.

Warbixintan waxay si gundheer u lafaguraysaa dhacdooyinka dhabta ah ee tusaalaha u ah isbeddelkan, iyadoo lagu soo bandhigayo sida sirdoonka iyo cududda fulinta ciidanka oo iskaashanaya ay hadda gacanta sare ugu leeyihiin maamulka xogta iyo amniga dalka. Waxaynu dhex gali doonnaa sidii loo curyaamiyay unugyo muhiim ah oo cadowgu ku tashanayay iyo saamaynta ay guulahan cusub ku yeelan karaan mustaqbalka amniga ee Soomaaliya.

Dhacdooyinkii Bisha Abriil

Habeennimada 9kii Abriil, 2026, ciidamada amniga ee caasimadda Muqdisho waxay muujiyeen tusaalaha ugu cad ee isbeddelkan. Halkii laga maqli lahaa qarax ama hoobiye ku dhacay gudaha magaalada, ciidanku waxay gacanta ku dhigeen mooto siday shan Hoobiye iyo miinooyin, iyaga oo uu cadowga ku soo qariyay khudaar. Waxaana lagu qabtay agagaarka degmada Deyniile.

Xogta shacabka oo lagu lammaaniyay feejignaan sirdoon ayaa u suurtagelisay ciidanka inay qabtaan agabkan dilaaga ah isagoo ku dhex qarsoon jawaano qudaar ah. Tani waxay muujinaysaa in “gaashaanka amniga” ee caasimaddu uu hadda u gudbay heer laga hortago khatarta ka hor intaysan gaarin bartilmaameedkeeda.

Taariikhdu markii ay ahayd April 2, 2026, hawlgal sirdoon oo ay fuliyeen Kumaandooska Gorgor iyo ciidanka UPDF, ayaa lagu soo qabtay Salaad Cismaan (Saham), oo ahaa Taliye Guuto oo khibrad 17 sano ah u leh kooxda AS.

Saham waxaa la qabtay isagoo ku jira hawlgal sahan ah oo uu ku indha-indhaynayay fariisimaha degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose. Qabashadiisu waxay dhabarjab ku tahay unugyada kooxda ee Shabeellaha Hoose, maadaama uu ahaa qofka xiriiriya weerarrada aroorta hore lagu qaadi jiray saldhigyada Ciidamada Qalabka Sida. Haddaba, si loo fashiliyo weerar, waa in la ogaadaa ama la qabtaa qofka sahanka u sameeya cadowga. Sidaas awgeed, markii la qabtay sarkaalkii sahanka, waxaa luntay fursaddii ay argaggaxisadu ku fulin lahayd weeraro kedis ah.

Gobolka Mudug, gaar ahaan degaanka Tawarmooge, ciidanka qaranka ayaa adeegsaday xeelad kale oo muujinaysa gacanta sare ee dhanka macluumaadka. Halkii la ugaarsan lahaa kooxda oo dhuumaalaysi ku jira, ciidanka ayaa u oggolaaday inay hal meel isugu yimaadaan si loo aqoonsado cududdooda iyo hoggaankooda.

Adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxay sahashay in la sugo ilaa bartilmaameedku uu ka noqdo mid dhammaystiran, ka dibna lagu fuliyo duqayn ragaadisay qorshahoodii weerar ee ku waajahnaa degma-xeebeedda qadiimiga ah ee Xarardheere oo ku taalla gobolka Mudug. Tusaalahan wuxuu caddaynayaa in dawladdu hadda leedahay samir istaraatiijiyadeed iyo sirdoon firfircoon oo feejigan oo ay ku burburinayso cududda cadowga iyadoo aan dhiig badan ka daadan ciidanka lugta.

Falanqayn Guud

Isbeddelkan ma ahan mid ku kooban guulo yaryar, balse waa isbeddel xagga falsafadda dagaalka ah. Haddaba, faa’iidada ka dhalan karta haddii ay dawladdu joogtayso waxaa ka mida:

  • Ka-warhaynta Marinnada: Ciidanku waxay hadda xoogga saarayaan marinnada saadka, si ay u qabtaan hubka ka hor intaanu soo gaarin magaalooyinka. Haddaba haddii la joogteeyo waxaa dhacaysa in cadowga sahayda ku yaraato ilaa uu ka go’.
  • Burburinta Iskuxirka: Qabashada xubnaha ajaanibta ah iyo hoggaankooda (sida Saham) waxay wiiqaysaa xiriirka ka dhexeeya unugyada kooxda ee ku kala baahsan dalka.
  • Kalsoonida Shacabka: Fashilinta weerarrada intaysan dhicin waxay kor u qaadaysaa kalsoonida shacabka, taas oo horseedaysa inay xog badan la wadaagaan ciidamada amniga.

Gunaanad

Dagaalku wuxuu hadda galay weji cusub oo ku dhisnaan beegsi hufan oo leh hubanti buuxda. Haddii markii hore ciidanku ahaa mid u diyaarsan ka falcelinta weerarada cadowga, maanta waa mid isagu horseed ka ah go’aaminta goobta iyo waqtiga lagu ragaadinayo kooxaha nabaddiidka ah. Guusha dhabta ah ee sirdoonka milatariga Soomaaliya ee sannadkan 2026 waxay ku qotontaa in khatarta la qabto  iyadoo aysan weli gaarin bartilmaameedka ay doonayso. Tani waxay muujinaysaa in ciidanku u wareegay weeraro qorshaysan oo lagu ciribtirayo cadowga ka hor inta aysan fursad u helin inay dhibaato gaystaan.