Dowladda Somalia ayaa ku baaqday in la kordhiyo dadaallada caalamiga ah ee wax looga qabanayo yaraanta biyaha, iyadoo ka digtay in isbeddelka cimiladu uu sii xumeynayo helitaanka biyo nadiif ah ee bulshada nugul.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa hadalkan ka jeediyay shir heer gobol ah oo ka dhacay Addis Ababa, kaas oo diiradda lagu saaray horumar waara iyo arrimaha biyaha.
Wasiirka ayaa sheegay in isbeddellada cimilada, kobaca magaalooyinka iyo maalgelin la’aanta ay culays saarayaan kheyraadka biyaha, taas oo halis gelinaysa nolol maalmeedka bulshada iyo awooddooda la qabsiga xaaladaha cusub.




From the comments