Goobjoog

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo shuruudo ku xiray ka qeybgalka gogosha Madaxweynaha

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay inay si taxaddar iyo mas’uuliyad leh uga fiirsanayaan ka qeybgalka gogosha wadatashiga ee uu iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo lagu…

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo shuruudo ku xiray ka qeybgalka gogosha Madaxweynaha

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay inay si taxaddar iyo mas’uuliyad leh uga fiirsanayaan ka qeybgalka gogosha wadatashiga ee uu iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo lagu wado inay qabsoonto 10-ka May 2026.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha ayaa lagu sheegay in inkastoo ay taageersan yihiin wadahadal kasta oo horseedi kara xasillooni siyaasadeed iyo is-afgarad qaran, haddana ay jiraan walaacyo muhiim ah oo u baahan in la xalliyo ka hor inta aysan si buuxda uga qeybgelin kulankaas.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu tilmaamay in habka loo wajahayo arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka uu noqday mid muran dhalinaya, islamarkaana ay jiraan eedeymo ku saabsan faragelin iyo kalsooni darro ka dhex jirta dhinacyada siyaasadda.

Waxay sidoo kale xuseen in jadwalka doorashooyinka iyo hannaanka loo marayo aysan weli caddeyn ku filan lahayn.

Si ay uga qeyb qaataan gogosha, Golaha ayaa soo bandhigay laba shuruudood oo waaweyn:

In la muujiyo daacadnimo dhab ah oo ku aaddan wadahadalka, isla markaana la joojiyo tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo saameyn karta hufnaanta iyo kalsoonida doorashooyinka.

In la helo hannaan dhexdhexaad ah oo la isku raacsan yahay, kaas oo dammaanad qaadaya wadahadal dhab ah oo natiijo keena.

Goluhu wuxuu sidoo kale ku baaqay in heshiis siyaasadeed oo ballaaran laga gaaro arrimaha doorashooyinka ka hor 15-ka May 2026, si looga hortago jahwareer siyaasadeed iyo dib u dhac ku yimaada geeddi-socodka dowladnimada.

Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa caddeeyay inay diyaar u yihiin wadahadal kasta oo lagu gaari karo xal waara, balse ay muhiim tahay in la helo jawi kalsooni leh oo dhamaan dhinacyadu si siman uga qeyb qaadan karaan.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments