Wasiirka Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ayuub Ismaaciil ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso dhismaha xaafado casri ah oo loo sameynayo 12,000 oo qoys, kuwaas oo lagu qiyaasay ku dhawaad 80,000 oo qof.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay bixin doonto dhulka iyo kharashaadka dhismaha, iyadoo la qorsheynayo in laga hirgeliyo guryo dabaqado ah oo ay qeyb ka yihiin adeegyo bulsho sida iskuullo, masaajiddo, goobo ganacsi iyo garoomo.
Qorshahan cusub ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay wajahaysay dhaliilo xooggan oo ku saabsan barakicinta dadka deganaa dhulalka dowladda, gaar ahaan magaalada Mogadishu iyo deegaanno kale oo caasimadda ku dhow.
Mucaaradka iyo qaar kamid ah bulshada rayidka ayaa ku eedeeyay dowladda in ciidamada ammaanka loo adeegsaday burburinta guryo iyo daadgureynta shacabka danyarta ah, iyagoo arrintaasi ku tilmaamay “dhul-boob abaabulan.”
Doodda ku saabsan arrimaha dhulka ayaa sii xoogeysatay kadib markii siyaasiyiin mucaarad ah ay ku baaqeen bannaanbax la qorsheeyay inuu dhaco 10-ka bishaan, kaas oo lagu sheegay mid looga soo horjeedo waxa ay ugu yeereen boobka dhulka iyo barakicinta shacabka.
Warar siyaasadeed oo isa soo taraya ayaa sheegaya in qorshaha dowladda ee dhismaha guryahan cusub loo arko dadaal lagu dejinayo caro bulsho iyo kacdoon laga cabsi qabo inuu ka dhasho muranka dhulka, inkastoo dowladda aysan si rasmi ah uga hadlin eedeymahaas.
Qorshahan ayaa noqon kara mashruucii ugu weynaa ee dib-u-dejin iyo guriyeyn ah ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqdo sanadihii u dambeeyay, balse weli waxaa jira su’aalo badan oo la xiriira sida loo fulin doono, dadka laga faa’iideyn doono iyo halka laga maalgelinayo.
From the comments