Goobjoog

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Ka Digtay Abaabul Siyaasadeed oo Rabshado Wata

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu ay ixtiraamayso xuquuqda dastuuriga ah ee shacabka ee isu soo baxa nabdoon iyo cabbirka aragtida siyaasadeed,…

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Ka Digtay Abaabul Siyaasadeed oo Rabshado Wata

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu ay ixtiraamayso xuquuqda dastuuriga ah ee shacabka ee isu soo baxa nabdoon iyo cabbirka aragtida siyaasadeed, balse ay si adag uga hortagayso wax kasta oo halis gelin kara amniga iyo kala dambeynta caasimadda Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda ay u qoondeysay garoonka Injineer Yariisow ee degmada Cabdicasiis goobta rasmiga ah ee bannaanbaxyada nabdoon lagu qaban karo, hase yeeshee mucaaradka lagu eedeeyay inay ku dhawaaqeen 22 goobood oo kala duwan oo mudaharaadyo laga abaabulayo gudaha Muqdisho, taas oo dowladda ku tilmaantay qorshe khatar ku ah amniga iyo isu socodka magaalada.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay ka walaacsan tahay qorshaha mudaharaadyo soconaya shan maalmood oo xiriir ah, iyadoo xustay in warbixinno amni ay tilmaamayaan in xubno hubeysan oo lala xiriirinayo mucaaradka lagu arkay qaybo kamid ah magaalada, gaar ahaan goobaha shacabka.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu xusay hadal kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, kaas oo dowladda sheegtay inuu dhiirrigelinayo iska hor imaad halkii laga ilaalin lahaa bannaanbax nabdoon.

Dowladdu waxay carrabka ku adkeysay in ciidamada ammaanka la faray inay ilaaliyaan shacabka, waddooyinka muhiimka ah iyo hantida guud, isla markaana ay si xirfad leh ula tacaalaan cid kasta oo isku dayda rabshado, hub qaadasho ama carqaladeyn.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda inay dejiyaan hadallada kicin kara xaaladda, islamarkaana ay cabashooyinkooda ku maraan hannaan nabdoon, sharci iyo wada-hadal siyaasadeed.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments