Goobjoog

Mucaaradka Soomaaliya oo ogolaaday in ay Shacabka kula hadlaan Garoonka Eng Yariisow Ex Koonis

Xiisad siyaasadeed ayaa maanta ka taagan magaalada Muqdisho kaddib markii uu baaqday banaanbax ay qorsheeyeen xubnaha mucaaradka Soomaaliya, kaas oo la filayay inuu ka dhaco qaybo kamid ah caasimadda. Mucaaradka…

Mucaaradka Soomaaliya oo ogolaaday in ay Shacabka kula hadlaan Garoonka Eng Yariisow Ex Koonis

Xiisad siyaasadeed ayaa maanta ka taagan magaalada Muqdisho kaddib markii uu baaqday banaanbax ay qorsheeyeen xubnaha mucaaradka Soomaaliya, kaas oo la filayay inuu ka dhaco qaybo kamid ah caasimadda.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si toos ah u hor istaagtay isu soo baxooda, iyagoo sheegay in la xiray waddooyin muhiim ah isla markaana laga diiday goobihii markii hore loogu talagalay banaanbaxa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladda markii hore ogolaatay in banaanbaxa lagu qabto Garoonka Koonis, balse markii dambe sidoo kale laga mamnuucay inay halkaasi tagaan.

Wuxuu sheegay in loo diiday dhammaan goobihii loo asteeyay balse ay qorsheynayaan in ay Shacabka kula hadlaan Garoonka Koonis.

Dhanka kale, Xildhibaan Gama’diid ayaa sheegay in dowladda si buuxda ugu guuleysatay joojinta banaanbaxa, isagoo tilmaamay in tallaabooyinka amni ee la qaaday ay hakiyeen dhaq-dhaqaaqii mucaaradka.

“Ergadii ay soo direen been ayay noqotay, waa dhaqaaqi lahayn, xitaa Koonis ayaa naloo diiday,” ayuu yiri Xildhibaan Gamadiid

Dowladda Federaalka ayaa hore u sheegtay in aysan aqbali doonin wax kasta oo keeni kara qalqal amni ama khatar ku noqda xasilloonida magaalada, xilli uu dalka wajahayo muran siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments