Goobjoog

Shirka berri ka dhacaya Xalane oo diiradda lagu saarayo khilaafka doorashooyinka

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in berri xayndaabka Xalane ee magaalada Muqdisho lagu qaban doono kulan xasaasi ah oo u dhexeeya Hoggaamiyayaasha Golaha Mustaqbalka iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,…

Shirka berri ka dhacaya Xalane oo diiradda lagu saarayo khilaafka doorashooyinka

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in berri xayndaabka Xalane ee magaalada Muqdisho lagu qaban doono kulan xasaasi ah oo u dhexeeya Hoggaamiyayaasha Golaha Mustaqbalka iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo diiradda lagu saarayo geeddi-socodka doorashooyinka dalka iyo sidii is-afgarad looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee taagan.

Kulanka ayaa ka dhici doona xarunta JOCC, waxaana qabanqaabadiisa iyo isku keenistiisa si weyn uga shaqeynaya wakiillo ka socda beesha caalamka iyo dowladaha reer galbeedka, kuwaas oo dadaal ugu jira in xal siyaasadeed laga gaaro muranka hareeyay hanaanka doorashada.

Dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ayaa sidoo kale door muuqda ku yeelan doona wada-hadallada, iyadoo dhinaca dowladda Federaalka ay kulanka uga qeyb geli doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka.

Dhanka Golaha Mustaqbalka waxaa la filayaa inay matalaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulankan ayaa imanaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee la xiriira nooca doorasho ee dalka, iyadoo dhinacyada mucaaradka ay horay walaac uga muujiyeen hannaan ay sheegeen inuusan ku dhisneyn wadatashi iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments