Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Aqbalay Dalabkii Mucaaradka, Wadahadallada oo Beri la Sii Wadi Doono

Muqdisho – Waxaa soo dhammaaday shirkii siyaasadeed ee maanta ka dhacay xayndaabka Xalane, kaas oo u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.…

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Aqbalay Dalabkii Mucaaradka, Wadahadallada oo Beri la Sii Wadi Doono

Muqdisho – Waxaa soo dhammaaday shirkii siyaasadeed ee maanta ka dhacay xayndaabka Xalane, kaas oo u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud uu aqbalay dalabkii mucaaradka ee ahaa in la sii daayo dadka u xiran arrimaha siyaasadda, gaar ahaan kuwii loo xiray banaanbaxyadii iyo dhaq-dhaqaaqyadii siyaasadeed ee ka dhacay Muqdisho.

Qodobkan ayaa la sheegay inuu noqday tallaabadii ugu horreysay ee lagu dhisayo kalsooni siyaasadeed, iyadoo mucaaradku ay si weyn u soo dhaweeyeen aqbalaadda dowladda.

Sidoo kale, dhinacyada ayaa isku raacay in berri dib la isugu soo laabto si loo guda galo qodobada kale ee la xiriira khilaafka doorashooyinka iyo arrimaha siyaasadda ee wali taagan.

Kulamada Xalane ayaa si weyn indhaha loogu hayaa, maadaama ay kusoo beegmeen xilli xasaasi ah oo dalka uu wajahayo muran siyaasadeed iyo dood adag oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments