Goobjoog

Soomaaliya: Kobaca Dhaqaalaha oo Hoos u dhacay 3% Sanadka 2025

Bangiga Adduunka ee World Bank ayaa sheegay in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu hoos ugu dhacay 3% sanadkan 2025, halka uu ahaa ku dhowaad 4% sanadihii 2023 iyo 2024. Warbixinta 11-aad…

Soomaaliya: Kobaca Dhaqaalaha oo Hoos u dhacay 3% Sanadka 2025

Bangiga Adduunka ee World Bank ayaa sheegay in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu hoos ugu dhacay 3% sanadkan 2025, halka uu ahaa ku dhowaad 4% sanadihii 2023 iyo 2024.

Warbixinta 11-aad ee “Somalia Economic Update” ayaa lagu sheegay in hoos u dhaca dhaqaalaha uu sababay yaraanta taageerada bani’aadannimo iyo tan amniga, saameynta abaarta ee beeraha iyo nolosha shacabka, iyo sare u kaca qiimaha nolosha oo yareeyay awoodda wax iibsiga dadka.

Maareeyaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Hideki Matsunaga, ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay maamulka dhaqaalaha inkastoo ay jiraan duruufo adag, balse dhibaatooyinka is biirsaday ay cadaadis ku saarayaan shaqooyinka iyo nolol maalmeedka shacabka.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in sicir bararku uu gaaray 3.7% sanadkan 2025, halka uu ahaa 3.3% sanadkii hore, iyadoo kororka qiimaha cunnada, gaadiidka iyo adeegyada korontada ay ugu weyn yihiin sababaha.

Bangiga Adduunka ayaa saadaaliyay in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu gaari doono 2.8% sanadka 2026 iyo 3.1% sanadka 2027, balse ay weli caqabado ka iman doonaan isbeddelka cimilada, hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah iyo kororka qiimaha caalamiga ah.

Warbixintu waxay sidoo kale ku baaqday in la dardargeliyo maalgelinta tamarta la cusboonaysiin karo si loo yareeyo kharashaadka shacabka iyo ganacsiyada, loogana hortago saameynta shidaalka qaali noqday.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments