Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka iyo kuwa Nigeria ay si wadajir ah u fuliyeen howlgal lagu dilay nin uu ku tilmaamay “madaxii labaad ee ugu sarreeyay” kooxda daacish ee howlgalada caalamiga ah.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social ayuu Trump ku sheegay in ninka la dilay lagu magacaabi jiray “Abu-Bilal al-Minuki”, isaga oo xusay inuu ahaa shaqsi muhiim u ahaa qorsheynta iyo hagidda weerarada kooxda ee caalamka.
Trump ayaa sheegay in howlgalkaasi uu ka dhacay Afrika, isagoo carrabka ku adkeeyay in kooxda ISIS ay sanadihii ugu dambeeyay ku xoogeysaneysay qaar kamid ah dalalka Afrika, oo ay Soomaaliya ku jirto.




From the comments