Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashadii hoggaanka ee Koonfur Galbeed oo horay loo qorsheeyay inay qabsoonto 18-ka May 2026 oo maanta ah, kadib markii guddigu sheegay in weli la sugayo go’aan rasmi ah oo kasoo baxa Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaas oo la xiriira ansixinta natiijooyinka doorashada.
War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in dib-u-dhigista doorashadu ay salka ku hayso waajibaad sharciyeed iyo dhammeystirka habraacyada sharciga waafaqsan, si geeddi-socodka doorashadu ugu dhaco hannaan daahfuran oo waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka.
Guddigu wuxuu caddeeyay in marka ay helaan go’aanka kama dambaysta ah ee maxkamadda, ay si degdeg ah u shaacin doonaan jadwal cusub oo lagu sii ambaqaadayo howlaha doorashada, oo ay ku jiraan dhageysiga iyo dhammeystirka geeddi-socodka doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed.
guddiga ayaa shacabka Soomaaliyeed, ururrada siyaasadda iyo daneeyayaasha kale u xaqiijiyay inay ka go’an tahay ilaalinta hufnaanta, sharcinimada iyo kalsoonida habraaca doorashooyinka dalka, sida lagu yiri War-saxaafadeed ay soo saareen.