Jowhar – Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa loo doortay Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar, isaga oo helay 79 cod.
Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa hore u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, isaga oo hadda loo doortay xilka Hoggaamiye Ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle.
Doorashadiisa ayaa qayb ka ah doorashada hoggaanka sare ee Dowladda Hirshabeelle, taas oo lagu soo xulayo mas’uuliyiinta hoggaamin doona maamulka muddada soo socota.




From the comments